Cilmibaadhis laga sameeyey dalka Mareykanka ayaa daahfurtey in
korodhka buurnida ee dadka xaaska lihi mar walba ka badan tahay
korodhka buurnida dadka aan xaaska laheyn. Majalada Obesity oo
ka faaloota cayilka ayaa qortey natiijada daraasadan oo sheegeysa,
in buurnida mar walba ku korodho xaasleyda oo ay raggu ubadan
yihiin. Daraasada ayaa sababta buurnida ku sheegtay in qofku
guurka dabadiisa nafsi ahaan xasilo iyo cuntada uu cuno oo aad u
korodha, gaar ahaan marka ninka iyo xaaskiisa saxan keliya cuntada
ku wadaagaan. Waxa kale oo ka mida sababaha ay daraasadu sheegtay in ninka iyo gabadhu guurka ka dib inta badan naftooda iloobaan
oo aaney ka fikirin jidh dhiskooda.
Cabista qaxwada ama shaaha quraacda ka hor
Cilmibaadhis cusub oo ay sameysay xaruunta nafaqada, jimicsiga
iyo dheefshiidka ee jaamacada Bath, ayaa lagu sheegay in cabista
koob qaxwe ama shaah ah ka hor quraacda ay kaalin ka qaadato
isu dheelitirka sonkorta ku jirta dhiigga aadanaha. Cilmibaadhista oo
lagu saleeyey tijaabo la mariyey 29 qof oo rag iyo dumarba leh, ayaa
lagu gaadey in maadada caffeine ee ku jirta bunka ay ku dhawaad
50% kordhiso heerka sonkorta ku jirta dhiiga.
Koradhkan ayaa la arkaa marka ruuxa caba shaaha uu raaciyo quraacda, waaxaase natiijadu yaraataa haddii uusan dur dabadiiba cunno
cunin. Baadhayaasha cilmibaadhistan cusub ee natiijadeeda lagu
daabacey wargeyska British Jornal of Nutrition, ayaa qaba in loo
baahan yahay in baaris kale lagu sameeyo si loo ogaado saameynta
hurdada ay ku leedahay
hanaanka dheefshiidka bani’aadamka. Inkasta oo shaahu leeyahay
faa’idooyin badan sida inuu gubo xaydha, kaan dhigo jidh ahaan mid
firfircoon, hadana dhakhaatiirta qaar ayaa ka diga saameynta taban
ee uu u leeyahay, sida inuu kordhin karo khatarta ah inuu ruuxa uu ku
dhaco wadne xanuun.
Cilmi-Baadhis (Maxaa uu qofku u buurnaadaa marka uu guursado ? Iyo Cabista qaxwada ama shaaha quraacda ka hor
Leave a comment
Leave a comment
