Goorta ay hoos u dhacdo firfircoonida badan ee qofkaCilmibaadhis ay sameysay Jaamacada Jyvaskyla ayaa lagu sheegay in firfircoonida badan ee qofka ay hoos u dhacdo marka uu gaadho da’da 7 jirka. Baadhayaasha ayaa tilmaamey iney caruurtu noqonayaan kuwo caajis badan marka ay bilaabaan waxbarashada, iyada oo aan la eegeyn haddii ay ahaayeen kuwa hore u firfircoonaa. Waxaana haboon in fiiro gaara loo yeesho caruurta inta ay korayaan. Waxa kale oo ay daraasadu sheegtay in taageerada dugsiga iyo ciyaaruhu ay noqon karaan hab lagu xoojin karo firfircoonida caruurta, sidoo kalena in kaxaynta baaskiisha ay kordhiso fursadaha firfircoonida, iyada oo aan la eegeyn da’da qofka, jinsiga iyo heerka waxbarashada ee uu qofku markaa marayo.
Saameynta ay leedahay beenta loo sheego caruurta;-
Cilmibaadhis ay sameeyeen baadhayaal ka tirsan Jaamacada Nanyang Technological University, ayaa tilmaamey in beenta loo sheego caruurta iney ku reebto dhallaanka saameyn taban iyada oo cunugu noqonayo mid caadeysta dhaqankaas. Baadhitaanka ayaa muujinaya in caruurta iyo dhalinyarada sheega beenta ay yihiin kuwa waalidiintoodu gaar ahaan aabayaasha kula dhaqmaan hab dhaqan ku dhisan been, iyadoo taasina horseed u noqotey iney la kulmaan caqabado xaga maskaxda iyo bulshada
