Daraasad la sameeyey ayaa sheegtey in dadka wax kasta dhanka
wanaaga ka eega ay u badan tahay iney ka cimri dheeraadaan kuwa
xumaanta oo keliya u muuqato. Dadka wanaagsan waxay cimrigooda ku qaataan caafimaad. Fikradu waxay tahay in dadka waxa wana agsan rajeeya ay u fududahay iney is xakameeyaan ayna iska ilaaliyaan marxaladaha saameyn kara caafimaadkooda maskaxda. Waxay sheegeen dhakhaatiirta sameysay daraasada in dadka rajada laheyni ay faa’iido u arkaan in ay iska sawirtaan in wax kasta oo mustaqbalka imanaaya ay wanaagsanaan doonaan. Waxa la adeegsadey laba kooxood oo si kala duwan loo shaqaaleysiiyey, 70,000 qof ay dumar ahaayeen oo kalkaaliyaal ka ahaa cilmibaadhistan caafimaadka ah iyo 1,500 rag ah. Waxa qiimeyn lagu sameeyey heerka ay gaadhsiisan tahay rajada wanaagsan ee ay qabaan iyo caafimaadkooda guud, waxa sidoo kale la weydiiyey jimicsiga ay sameeyaan iyo raashinka ay cunaan. Natiijada soo baxdey ayaa noqotey celcelis ahaan raga iyo dumarka ayna qalbigooda wax xumaan ah ka buuxin ee rajada wanaagsan leh, ay boqlkiiba 11 ilaa 15 ka caafimaad badan yihiin kuwa kale ee rajada xun, qalbigoodana xumaanta ka buuxdo, ayna ubadan tahay iney da’doodu dhaafeyso 85 sano marka loo eego kuwa quusta taagan ee rajada xun. Alle (swc) ayaa og xaqiiqada dhabta ah, qof kastana cimri gaar ah siiya, laakiin isku mid ma aha qof cimrigiisa oo dhan ku laastey murugo iyo rajo xumo iyo qof cimrigiisa farxad iyo wanaag ku qaatey
Nooca dhiiga ugu xun qaybaha dhiiga ee bani’aadamka
Cilmibaadhis ay sameeyeen saynisyahano ka tirsan Jaamacada Harvard ayaa daaha ka qaadey nooca dhiiga ugu xun ee qaybaha dhiiga, kadib markii ay baadhitaan dheer sameeyeen, waxayna sheegeen inuu yahay nooca dhiiga ee AB-negative. Nooca dhiigan waxaa la saaxiib ah 8% bulshada caalamka, sida lagu sheegey daraasada. Khubarada ayaa sheegey in dad yar oo ka mida kuwa dhiigoodu yahay AB-negative iney wax dhalaan, gaar ahaan weliba marka ay guur wada galaan lamaane saaxiib la ah nooca dhiigan, waxaa intaa dheer in haweenka noocoodu yahay dhiigan ay unugul yihiin xanuunada kansarka.
